Shan Xirfaddood Oo Muhiim U Ah Xirfadda Iibka Ee Suuqa Shaqada!
Shan xirfaddood oo muhiim u ah xirfadda iibka ee suuqa shaqada!
In aad si guul leh uga shaqayso booska iibka waxay u baahan tahay in aad leedahay xirfaddeeda.
ku liis garaynta xirfaddahaaga iibka ee codsiga shaqo oo ay la socdaan tusaalooyin muujinaya sida aad ugu guulaysatay xaalado hore ayaa aad u ah muhiim helitaanka shaqada, caadi ahaan waa qeyb muhiim ah oo loo tixgeliyo booska iibka. Codsigaaga shaqo badanaa waa fursadda ugu horreysa ee laga yaabo in shaqo-bixiyeyaasha u suurtagaliso in aad noqoto laguguna qiimeeyo in aad tahay qofka ku habboon booska bannaan. Qodobadan, waxaan ku sharaxeynaa qaar ka mid ah xirfaddaha lagama maarmaanka ah ee aad u baahan tahay si aad ugu guuleysato booska iibka iyo sida loogu daro codsigaaga shaqada aad ku raadinayso.
Maxay yihiin xirfaddaha iibku?
Xirfaddaha iibintu waxay isugu jiraan xirfaddo adag iyo kuwo fudud oo kaa caawin kara in aad noqoto xirfadle si guul leh u iibigeeya alaabadda iyo adeegyadda shirkaddu soo saarto ama ka ganacsato.
Shirkaddaha uu ganacsigoodu ku tiirsan yahay macaamiisha iibsanaya waxsoosaarkoodda ama adeegyaddooda, iibgeeye xirfadaysan ayaa sababay in shirkaddu yeelato macaamiil wax ku ool ah. Xirfadda iibgayntu waa tan sabab u noqon karta kor u kac kasta oo ay samayso shirkaddu ama ururka shaqo, maadaama iibgeeyayaashu ay ka dhaadhiciyaan dadka in adeega ama Alaabada ay soo saarto shirkaddoodu yahay mid tayo leh oo katilmaaman alaabada kale. Markasta Iibgeeyayaasha xirfadda lihi waxay u horseedaan goobahooga shaqo guulbalaadhan.
Shaqaalaha iibku waxay u baahan yihiin in ay dhisaan xiriir ka dhaxeeya macaamiisha iyo shirkadda ama kambaniga, si sax ah ugu sheegaan wax soo saarka shirkadda, kana dhaadhiciyaan inay wax iibsadaan oo ay abuuraan jacayl iyo isku xidhnaanta macaamiisha iyo shirkadda.
Tusaalooyininka xirfaddaha iibgaynta
Codsadeyaasha ku guuleysta jagooyinka iibka waxay u baahan yihiin in ay yeeshaan isku dar ah xirfaddaha loo tixgeliyo doorkooda iibgaynta ee suuqa shaqada. Waa kuwan qaar ka mid ah xirfadaha iibka ugu muhiimsan:
1. Rabitaan ah in la gaadho natiijooyin
2. Xirfadda wada xidhiidhka wanaagsan
3. Xirfadda dhegeysiga wanaagsan
4. Xiise shaqo
5. Hal-abuur curin leh
1. Rabitaan ah in la gaadho natiijooyin
Iibka waa goob natiijo sare leh oo ku wajahan natiijada shirkaddi hiigsanayso, halkaas oo guulaha iyo guuldaradu ay fududahay in la qeexo iyada oo la falanqeynayo tirooyinka iibka lagu guulaysatay ama lagu guuldaraystay. Rabitaanka joogtada ee lagu gaadhayo bartilmaameedyada iibka iyo la kulanka himilooyinka shirkadda ayaa laga yaabaa inay tahay tayada ugu muhiimsan ee loo shaqeeyeyaasha suurtagalka ah ay raadinayaan markay xulanayaan codsadayaasha booska iibka.
Haddii aad khibrad ganacsi hore u lahayd, waa inaad tusaale ka bixisaa xaalad markii aad ku guuleysatay abuuristay iibin wax ku ool ah oo faa’ido wayn soo galisay shirkaddaada.
Tusaale ahaan, Haddii shirkad ama kambani aad hore ula shaqaysay aad kusoo kordhisay korna u qaaday iibkii 30%, tani waa xaalad mudan in lagu soo bandhigo codsigaaga shaqo, Sidaa darteed si fiican ugu muuji codsigaaga si ay kor ugu qaado fursada aad ku noqon karto musharax guulaystay.
2. Xirfadda wada xidhiidhka wanaagsan
Si joogto ah ula xiriirida/xidhiidhidda macaamiisha ku xiran shirkadda iyo kuwa la rabo in la hanto ayaa qayb muhiim ah ka ah booska la xidhiidha iibka.
Si fudud u hanashada macaamiil cusub ayaa ku iman karta wada xidhiidhka toos ah oo ka dhex dhaca iibiyaha iyo macaamiisha cusub. xirfadda isgaarsiinta ayaa shirkadda u horseedi karta in ay hanato macaamiil badan oo kusoo xirma korna u qaada dakhliga iyo magaca shirkadda.
Xirfadlaha iibka sidoo kale wuxuu inta badan matalaa sawirka shirkadda taas oo soo jiidan karta indhaha macaamiisha, samaynta baro bulsho oo isgaadhsiineed ayaa si wax ku oolka ah loogu suuqgayn karaa sidoo kalena loogu iibin karaa si ka fiican iibka tooska ah. Codsiga shaqo waxaad u baahan tahay in aad ku muujiso inaad leedahay qaybaha kala duwan ee xirfaddaha isgaadhsiineed. Shirkadduhu waxay daneeyaan dadka si aad ka ah u isticmaala caanna uga ah baraha bulshada ee kala duwan kuwaas oo ay ku tihmayaan in ay usoo jiidi karaan macaamiil tiro badan.
Tusaale ahaan, qof aad caan uga ah barta bulshada ee facebook kaas oo ay ku xiran yihiin dad tiro badan ayay aad u xiiseeyaan shirkadduhu si ay uga helaan taageero iibgayneed. Sidoo kale waxay aad u xiiseeyaan qofka leh xirfadaha isgaadhsiineed ee muddo ku dhex .
3. Xirfadda dhegeysiga wanaagsan
Si wax ku ool ah ula xidhiidhidda macaamiisha iyo dhagaysiga afkaartoodu waxay u jihaysaa shirkadda in ay kasbato quluubta macaamiisha iyo kuwa ka ag dhow. Dhageysigu sidoo kale waa muhiim, maadaama ay kaa caawineyso inaad si sax ah u fahanto faahfaahin gaar ah oo ku saabsan alaabada ama adeegyada aad iibineyso, iyo inaad si fiican u fahamtid dalabka macaamiisha iyo rabitaanadooda.
Macaamiisha ayaa dareemaya kalsooni dheeraad ah marka ay arkaan in la dhegaysanayo tixgalinna lasiinayo, tani ayaa u suurto galinaysa shirkadda in ay sii xajisato macaamiil muddo dheer. Sidaa awgeed waa muhiim in aad ku qorto codsigaaga shaqo xirfaddaada dhagaysi ee aad u leedahay shaqada iyo macaamiisha shirkadda.
4. Xiise Shaqo
Xiisaha joogtada ah ee aad u leedahay shaqadda ee aad ku qorto codsigaaga shaqo ayaa kaa dhigi karta tartame ku guulaysta shaqada iibiyaha wanaagsan ee ay u baahan yihiin shirkadduhu. Shirkadduhu waxay u baahan yihiin in iibgeeyuhu uu yeesho rabitaan dabiici ah iyo in uu waxbadan ka ogaado shirkadda uu u ushaqeeyo, badeecooyinka ama adeegyada ay iibinayaan, waxyaalaha ay sida khaaska ah ugu fiican yihiin iyo faahfaahinta kale si ay had iyo jeer u helaan macaamiishu macluumaadka ay ugu baahan karaan shirkadda, sidaa darteed waa in iibgeeyuhu xiise joogto ah u qabaa shaqadda iyo booskiisa shaqo. Xirfadlayaasha iibka waxay had iyo jeer ka jawaabaan su'aalaha macaamiisha. Rabitaanka joogtada ah waa mid aad ugu muhiim ah iibgeeyaha maadaama iibku aanu ka maarmayn firfircooni iyo xiise joogto ah.
Ugu qor codsigaaga shaqo sida aad u xiisayso in aad noqoto iibgeeye taas oo muhiim iyo tixgalin siin karta booska iibgaynta ee aad codsatay.
5. Hal-abuur curin leh (Ka faa’ideysta bay’adda shirkadda ee soo dhaweysa ikhtiraaca)
Iibgeeyaha leh xirfada wanaagsan waxa uu u horseedaa shirkaddiisa shaqo in uu ku soo kordhiyo heshiisyo waxtar leh oo ay ka macaashaan, in heshiis lala galo shirkad ama urur kale ayaa u ogalaanaysa shirkadda in ay iib gayntoodu kor u kacdo.
Tusaale ahaan Haddii shirkaddu heshiis la saxeexato meherado yaryar si ay usii iibiyaan adeegooda ama alaabadooda, kuna guulaysato in ay ka dhaadhiciso heshiiska, tani waxay u horseedaa in shirkaddu ama kombanigu helo dakhli badan oo kasoo gala heshiiskaas.
Qaybtee lagu muujiyaa xirfadaha iibka codsiga shaqada
Xirfadaha iibka waa in lagu muujiyaa qaybta lagu qoro xirfaddaha aad u leedahay shaqadda aad buuxinayso, maadaama uu halkan looshaqeeyuhu ka dheehan karo dhamaan xirfaddahaaga.
Codsiga shaqo oo si xirfaddaysan loogu qoro sawirka wanaagsan ee naftaada, xirfaddaada isgaarsiineed, xirfaddaada waqti maarayneed, iyo xirfaddaha iibka loona liis gareeyo sida ay u kala munaasibsan yihiin ayaa kaa dhigi karta ku guulaystaha booska shaqada.
0 Comments