Responsive Advertisement

The Most Needed Knowledge in Somali Regions!

 

Aqoonta Loogu Baahida Badanyahay Deegaannada Soomaalida!

Maqaalkan waxaynu diiradda kusaari doonna aqoonta iyo xirfaddaha loogu baahi badan yahay deegaannada Soomaalida oo barashadeedu kor u qaadayso waxsoosaarkeeda taas oo kaalin koboc ka qaadanaysa koritaanka dhaqaalaha bulshada oo horseedi doonta nolol san oo barwaaqo ah.

1. Beeraha

Sida ay tibaaxday warbixinta Dibu-dhiska beero leh u adkaysi iyo waaritaan ee ay si wadajira usoo saaraan bangiga adduunka iyo hay'adda qaramada midoobay u qaabilsan dhinaca cunnadu waxay tibaaxeen in Soomaalidu dakhli dhan (1.5 Bilyan) kusoo iibsadeen cunto sannadkii 2018. Halka qaaradda Afrikina kusoo iibsato $25 Bilyan. Taasi oo sannad kasta kor ukac 18 jeer ka badan intii hore kordhaysa. 

Waa muhiim barashada beerashada casriga ah. Iyadoo laga faa'idaysanayo fursaddaha maalgashi iyo dibadeedba. Bangiga adduunku wuxuu mashaariicda beerashada casriga ah ku bixin doonaa ilaa laga gaadhayo 2030.

Xirfaddahan diiradda saar: Barashada beerashada casriga ah ee tiknoolajiyada la adeegsanayo, Waxsoosaarka aan biyaha badan u baahnayn, biyo xidhida, qorshaynta beeraha, Darsidda suuqa ganacsiga ee  cuntada iwm. 

2.  Kaabayaasha Dhaqaalaha

Korodhka dhaqaalaha iyo tirada dadkeena iyo guud ahaan qaaradda afrika waa mid waxa uu sare u qaadaya soo gelista magaalooyinka. Waa muhiim in la kordhiyo aqoonta iyo xirfaddaha bangiyada, isgaadhsiinta, gaadiidka, hantida maguurtada ah, biyaha iyo laydhka oo dhammaantood xirfad u baahan. 

Waxa muhiim ah ka fikirista dab ka dhalinta dabeysha (Wind Energy), cad-ceeda (Solar), biyaha iwm. Si looga faa'ideysto fursaddaha ka banaan kaabeyaasha dhaqaalaha ee mustaqbalka waa muhiim barashada xirfaddaha qorshaynta magaalooyinka, dhismeyaasha, ganacsiga, nashqadeynta iwm. 

Dhismayaasha waddooyin leh nidaamyada caalamiga ah, biyo mareenno, waddooyin sar-sare, kuwa dhulka hoostiisa ah iwm. Intuba waa xirfaddo labaran karo oo dalka laga abuuri karo mashaariic. 

3. Macdan-Qodista

Afrika waxa lagu tilmaamaa qaaran hodan ah oo haddana baahan. Hodantinnimada laga baahanyahay waxa keenaysa aqoon li'i ka haysa dadka qaaradda barwaaqada iyo nimcada ilaahay ku manaystay ee ay ku fadhiyaan. Wadamo badan oo Afrika kamid ah, Siiba deegannada Soomaalida waxa lagu tilmaama aagagga leh macdan aan wali lataaban. 

Korodhka aqoonta iyo xirfadda looleeyahay macdan qodistu waxay ka qayb qaadataa koboca dhaqaale ee wadanka. Taas oo ay shaqo abuur farabadan ka heli karaan dhallinyaradu. 

Khayrkaadka dabiiciga ah ee aynu ka hadlayno waxa kamid ah shidaalka, macdannaha, dahabka, birta, kobalta, yuraaniyam, kobor iyo silfer. Koboca macdan qodistu wuxu ku imanayaa helista gaadiid, kaabeyaal dhaqaale iyo xirfaddaha tiknoolajiyadda casriga ah. 

Waaxdan kamid ah khayrkaadka dabiiciga ah waxa ka shaqeyn kara dadka barta Science (Scientists), engineers, geologists, surveyors, drillers iyo xirfaddaha tiknoolajiyadda casriga ah. Sidoo kale Laydhka, maamulka dadka iwm. 

4. WAAXDA ADEEGYADDA.

Koritaanka dabaqadaha bulshadu wuxuu keenaa korukaca awoodda iibsiga. Natiijada bangiyada iyo hay'addaha maaliyadeed, tiknoolajiyadda, tafaariiq layaashu waxay muujinayaa isbeddelka xoogan ee ku yimid baahidii adeegga. 

Waaxdan in aad soo gashaa waxay kaaga baahantahay xirfaddo ay kamid yihiin maamulka ganacsiga, tafaariiqda, dhaqaalaha, xisaabaadka, suuqgeynta, iibka, sumadda iyo xayeysiinta. 

Xirfadda waaxdan looga baahanyahay waxa kamid ah:

Daryeelka macaamiisha, qaabilaadda macaamiisha iwm

5. Bangiyadda iyo hay'addaha maaliyadeed.

Deegaannada Soomaalida waxa aad uga hanaqaaday hay'addaha maaliyadeed kuwaas oo qaarkood wali sidii larabay aanay u hanoqaadin. Waaxda xirfaddaha ay baahiyaha aadka ah u qabaan waxa kamid:

Maalgashiga, caymiska, xisaabiyeyaal, tiknoolajiyadda, maamulka cudduda shaqaalaha iwm. 

6. Tiknoolajiyadda Casriga ah:

Isbeddellada tiknoolajiyaddu wuxuu saameyn toos ah ku yeeshay noloshii dhaqan dhaqaale ee bulshadeenna. Taas oo ay aasaasiyaadkii nololeed waxbadan ka beddeshay waxay dhaqaajisay dhaqaalihii guud ee wadanka. Maalgashiga kaabeyaasha tiknoolajiyaddu wuxuu noqday mid xawli ku socda qarnigan danbe. Haddii aaney bulshadu aqoonteeda iyo xirfaddeheega dhinaca tiknoolajiyadda aaney kor u qaadin lama socon karto casrigan macluumaadku xawliga ku socdo. 

Xirfaddaha maanta loogu baahida badanyahay waxa kamid ah: Software engineering, Systems & Network Administrators, Business & System Analysts and Database, Technical and business architects, and business analysis.

Siiba waxa aad isha ku haysaa Cloud skills iyo Artificial Intelligent IWM.

7. Gadiidka iyo Saadka (Logistics)

Casriyeynta dekaddaha iyo kaabeyaasha dhaqaaluhu waxay abuuraan suuqyo cusub oo kusoo xidhma ilaahaaga dhaqaale. Tani waa mid toosh ku iftiiminaysa baahida loo qabo aqoon u yeelashada gaadiidka, sameyntooda, dibu-habayntooda iyo aqoonta loo leeyahay saadka, marinnada ay maraan iwm. 

Xirfaddaha aynu baahida weyn u qabno waxa kamid ah: Supply Chain & logistics (Logistics, Procurement, Fleet Management, Asset Management, Warehouse Management), Makaanig aqoonta tiknoolajiyadda leh, Maamulka iyo maareynta gaadiidka, Dhismayaasha waddooyin caalami ah. 

8. Warbaahinta iyo Madaddaaladda

Warbaahin ka shaqeysa wacyigelinta bulshada, aqoomaynta, maadeysta iyo dhigista filimo lagusoo bandhigo bandhigyada caalamiga ah ee madaddaallada. Warbaahin soo saarta jiil jileyaal asluubeysayn oo ka qayb qaata horumarinta bulshadda.

Warbaahin leh curin ee aan ku iman kudayasho. Abuurta bay'ad soojiidasho dadku ku mededaashadaan wakhtiyada ay firaaqada leeyihiin. Waa waax u baahan hal-abuur bulshadeennuna aad ugu baahantahay. 

9. Dalxiiska

Dalxiisku wuxuu ku biiriyaa dhaqaalaha Africa 8.5% halka shiinaha iyo garmalka ay ku biiriyaan $814 Billion iyo $251 Billion. Waad arkaysaa in aynaa ka shaqeyn, maalgashan, aqoon u lahayn amaba aynaan fahamsaneyn dhaqaalah laga sameyn karo dalxiiska iyo inta qof ee shaqo ka heli karta. 

Mustaqbalka dalxiiska qaaradda Afrika wuxuu noqon doonaa mid kor u kaca. Waa muhiim in hadda aqoon looyeesho, la diyaariyo goobo dalxiis oo ay dadku ku nastaan, ku ciyaaraan, isla markaana wakhti kula qaataan qoysaskooda iyo asxaabtooda. 

10.Hal-abuurka Ganacsiyga

Dalkeenu wuxuu u baahanyahay dhallinyar hal-abuur iyo curin leh. Oo u roga fursaddo ganacsi mushkiladdo badan oo ka dhextaagan dalkeena. Waxa kamid ah qaalisanaanta adeegga dabka. Waa fursad bannaan haddii la maalgeliyo dab ka dhalinta dabeysha iyo cadceeda. 

Baadhista dhibaatooyinka dadkeena haysta, Darsidda xalal caqiibo leh oo noqon kara fursaddo ganacsi, ku dhiirashada hirgelinta fikraddahaasi waxay doorweyn ka qaadan karaan shaqo abuurka waddanka.

Guuleysta

  • Tixraac
  • World Bank
  • FAO
  • Africaafterschool
  • Goobjoog media.

Post a Comment

0 Comments