Xirfaddaha: Dhiirigelinta nafta
Dhiirigelintu waa shidaal uu bani-adamku muddo ku tamarin karo si uu u guto waajibaad shaqo oo sugaya, hanaqoto waxbarasho ama akhris kobcinaya maskaxdiisa'e. Horumarinta dhiirigelinta naftu waxay ku siinaysaa awood aad ku qabato hawlo adag ama culus dhameystirkooda. Waa hab aad ku gaadhi karto guul cayiman oo aad dejisay maalin, todobaad ama shaqo soconaya ilaa lix bilood.
Dhiirigelinta naftu waxay ka bilaabmaysaa go'aan, go'aan ah in aad horumarisid caadona ka dhigatid dhiirigelinta nafta. Halkan hoose waxaynu kaga hadli doonnaa qodobo muhiim ah oo aad ku sameysan karto hab dhiirigelin nafeed.
1. Naftaada Baro
Cumar ibnu C/casiis (Raximahullah) wuxuu yidhi, ''Allah ha u naxariisto qofkii garta xaaladda naftiisa.''
Barashada naftaada waxbadanbaa ka farcamaya oo ay kow ka tahay maxaad jeceshahay, necebtahay, ku dhiirigeliya, ku niyad jebiya, muhiim kuu ah, aan muhiim kuu aheyn, baahiyahaaga, wakhtigaaga, waxa aad ku wanaagsantahay iyo arrimahaas oo dhan qiimeyntooda halka aad taagantahay. Barashada naftaadu waa saldhigga noloshaada iyo qaabka ay u keenayso. Qormo gaar ayeynu mawduucan ku dul istaagi doonna (Haddii Alle idmo).
2. Hadaf
''Haddii aad han leedahay, Hadafkuna (Goal) kuu saxmo waad gaadhi kartaa.'' Sheekh Mustafe X. Ismaaciil
Waxa aad ku bilaabi kartaa waxa aad rajeynayso in aad kamidho dhaliso (shaqo/waxbarasho iwm). Taasi waxay kaa caawinaysaa in aad horumariso xirfaddaha dhiirigelinta nafta maadaama oo aad fursaddo iyo guulo gaadhid aad ka shaqeynayso. Si aad ahdaaftaa uga midho dhalisid waxaad u baahantahay in aad kala jejebiso yoolashaa kuu yaala.
Tusaale, Maanta waxa aan doonayaa in aan 5 shaqo qabto. kala jejebi adiga oo u eegaya siday ukala muhiimsan yihiin. Kala siinayana wakhtigaaga siday ugu kala muhiimsan yihiin. Maxaan uga jeedaa? Hawlbaa degdeg ah, muhiimna ah. Hawlbaa muhiim ah balse aan degdeg ahayn. Waxsoosaarka qofkuna waxa uu ukala muhiimsanyahay sida uu u kala horeeyo. Saacaddii ugu horeysay ee aad shaqada soo gashay iyo saacadda ugu danbaysa isku tamar uma shaqeynaysid.
3. Qorshe
Nebi Muxammad CSW Wuxuu yidhi, “ Wax kale qaddarka laguma beddelo, aan Allah baryaddiisa ahayn.”
Kaddib, dejinta yoolashaada gaaban ama wakhtiga dheer. Waxaad dhisi kartaa qorshe aad hawl walba sida ay tahay ugu dhameyn karto. Adiga oo maskaxda ku haya hadafkaasi inuu yahay mid la gaadhi karo waxa aad dejisaa wakhtiga aad ku gaadhayso iyo diyaar garowgaad ubaahantahay kaddib wakhtiga aad u dejiso fuli.
Qor qorshayaasha aad maalin kasta isleedahay qabo. Cilmibaadheyaasha daraaseeya arrimaha qorshayntu waxay ku taliyaan habbeenkii inta aanad seexan in aad qorshayso hawlaha aad rabto inaad beri xaqiijiso, balamaha aad yeelanayso iyo hawlaha muhiimka ah ee kugu hagaya kamidho dhalinta yoolashaada nolosha.
4. Abaalmarin
Ku abaalmari wixii saxan ee naftaadu qabato, adiga oo xisaabtan uga dhigaya wixii naftaadu ay ka gaabiso. Gee meelaha degan ee naftaadu jeclaysato joogisteeda, Soo iibso wax aad jeceshahay nafsiyan. Dhiirigeli naftaada si ay dhiirigelin uga hesho in sha Allah. Taasi waxay imanaysaa barashada naftaada kaddib.
5. Ku xeer naftaada dadka dhiiran.
Waxa layidhaa, '' Qofku waxa uu la mid yahay celcelis ahaan 5 qof ee uu ka agdhowyahay (asxaabta la yahay).''
Cilmibaadhis lagu daabacay Harvard Business Review waxa lagu ogaaday in qofku kooxda uu kamid noqdo ladhaqan noqonayo (Cabdikariim, 2022). Waa suuregal in aad si fudud u horumariso dhiirigelinta naftaada haddii aad ku xidhanto asxaabtaada dhiiran si ay u cariyaan naftaada. Taasi waa sababta ay muhiimka u tahay ka ag dhawaanshaha dadka ku hawlan horumarinta naftooda, ka midho dhalinta yoolashooda, shakhsiyadda wanaagsan ee dedaalku hagayo.
6. fikir togan
Waxa la yidhaa, ''Markasta oo aad u fiirsato mushkiladdaha, Waxaad lakulmaysaa dhibaatooyin uun. Laakiin, markasta oo aad diiradda saarto suurtegalnimadda, waxaad lakulmaysaa fursaddo badan.''
Naftaada ku tababar in aad nolosha dhanka wanaagsan ka eegto. Dadku waxay nolosha u wajahaan laba hab midkood, Maskax funaan iyo maskax xadidan(Cabdikariim, 2022). Midda hore ayeynu u dan leennahaye marka arrimuhu adkaadaan qofkani waxa uu ka fikiraa inuu habka wax ka beddelo si uu uga midho dhaliyo hadafka u qorshaysan. Halka qofka maskax xadidan kuqaabilaa fikirku ula kaco xaga taban oo caqabad ku noqda hadafkiisii qorshaysnaa.
7. Naf-dhis
Albert Einstien,Wuxuu yidhi, '' Waxbarashada macneheedu ma aha in aad barato xaqiiqooyin, Balse waa in ay maskaxdaada ku tababartaa in aad fikiri karto.''
Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) AHU, Waxa laga hayaa,''Qofkasta waxa uu fikiri karaa, Hadba inta uu ereyo haysto.''
Abuuro caado wax akhris. Akhrisku waa quud caqliyeed maskaxdaada ku tababaraya in aad fikiri karto. Maanta halka aad joogto iyo 5 sanno kabacdi halka aad gaadhi doonto waxa go'aaminaya hadba inta buug ee aad akhrido.
Nebigu CSW, Waxa uu yidhi, '' Ku dedaal waxa ku anfacaya, ilaahay kaalmayso waligaana Ha caajisin. ''
Ka kor ku mashquulka iyo ka sheekeynta ficillada aan adduunkaaga iyo aakhridadaa midna aan faa'ido ku biirineyn. U jiheyso maalgelin nafeed iyo naf-dhis aad ku horumariso adduun araggaaga iyo noloshaada. Baro xirfad cusub oo naftaada layli geli.
Tixraac
Indeed
Buugga XILKAS
---------------------------------------------------
0 Comments