5 Ways to Increase Your Work Performance!
Maalintaada shaqo ma ku dhamaataa dareen aan ku farxadgelin kaas oo tilmaamaya in aanad ka guulgaadhi qorshe hawleedkaagii maanta (To do list)? Waxa aad ku bilowday qorshe, liis, hadaf dejin laakiin dhammaadka maalintaada waxaad aragtay in qorshihii shaqo ee 1aad uu dheeraaday ama wakhtigiiba kaa qaaday, taas oo hoos u dhigeysa waxsoosaarkaagii maalinlaha aha ama tacabkii shaqo ee lagaa rabey.
Haddaba, maanta waxaynu eegi doonna 5 hab oo aad ku kordhin kartid waxqabadkaaga shaqo.
1. Jooji isku-sidkidda hawlaha (Multitasking)
"Isku-sidkiddu waa dilaaga tacabkaaga waxqabad.''
Isku-sidkidda hawluhu waxay maskaxda ku keentaa fikirka oo kaa luma, laqabsi cusub iyo tamar cusub oo aad u baahato. Isku-sidkidda hawluhu waxay horseedda qabyo badan, dibu dhac hawleed iyo hab shaqo qabasho oo liidata taas oo hoos u dhigaysa tacabkii shaqo ee lagaa filayey.
Isku-sidkidda hawlaha ku beddelo qorshe daadejisan adiga oo 2 ilaa 3 hawlohood si fiican oo hufan u qaban kara 5 ilaa 8 shaqo ama hawlood mar ha iskuwadin. Kabilow shaqada ugu culus ee ku hortaa midda 1aad, midda kusoo xigta ee muhiimka ah. Midkasta ilaa aad dhameystirtana ha ugudbin midka xiga.
2. Nasasho qaado.
"Maskax degan baa diyaar u ah ka faa'ideysiga fursaddaha dhallinaya guulo toolmoon.''
Waxaynu ka fikirnaa haddii aynaan kic kicin inaynu shaqo badan qabanayno. Daraasado ayaa tibaaxaya in kicid nasasheedka shaqo inuu caawiyo diirad saarista iyo dareen soojeedinta taas oo bisha jawigaaga shaqo. Qaado shan daqiiqo oo aad ku dhex socoto goobta shaqo ama soo sameyso koob kafee ah.
3. Qorshe dejin yar-yar.
"Qorshuhu waa salaan kugu hagaya figta sare ee guushaada, Talaabo kasta oo aad qaadaa waxay kuusii dhaweynaysaa hadafkaagii weynaa.''
Mararka qaarkood, Marka aad eegto yoolashaada waxay kugu abuurayaan werwer badan. Marka aad aragto arrimo waaweyn oo kuu qoran. Laakiin haddii aad u jejebiso hawlqabadyo yar-yar. Waxaad dareemi doontaa in aad kamidho dhalin karto, maamuli karti kaddibna aad waxsoosaar fiican sameyn karto. Qodobkani waa ka keenaya in aad maalinkasta hal talaabo hore u qaado.
4. Abaalmarin
''Dhiirigelintu waa shidaal aad muddo ku tamarin karto.''
Abaalmari naftaada marka ay gaadho hiigsiyada yar-yar ee kuu qoran, marka ay shaqo wacan qabato, guul soo hoyso. Ku abaalmari naftaadu arrimaha ay xiiseynayso tusaale ahaan, soo jimicsii, buug cusub soo iibso, soo laydhso, xamdi naqa badi iwm.
5. (Cibaadadda) Duceyso
''Waxa aydun maridoontaan, marxalado kala duwan.'' Suuratu Inshiqaaq:19
Dabcan. Noloshu waa meerto (sida giraanta wareegta). Maalin waa fudeyd maalinna waa culays, maalin waa farxad, maalinna waa murugo.....
“Isagu(Alle) ayaa idin sii yay shay walba oo aad waydiiseen.” Suuratu Ibrahim: 34
Xadiiskuna waxa uu leeyahay,”Hagaaji hungurigaaga, waxa aad noqonaysaa midla aqbalo ducadiisa’e.”
"Mu'miniintow, giddigiin Alle u towbad keena; si aad dhammaantiin u libaantaan" Suuratu Nur: 32
Ducada kaasho oo joogtee marwalba ilaahay idamkii.
Tixraac
Forbes
Mucjisooyinka qur’aanka
0 Comments