Essay 50: Import business
Ma ogtahay inaad Milyaneer ka noqon karto Nacnac aad iibiso oo kaliya? fursadaha alaab soo dajinta ee ka jira dalka waa badanyihiin laakiin marka ay noqoto importing business waa ganacsi halis badan balse sidoo kalana abaalmarintiisu fiicantahay.
Tusaale ahaan: Waxaan garanayaa nin aanu asxaab nahay oo ka sameeyay hal container oo uu soo dajiyay 56,000 oo doolar. laakiin waxaa uu isla helay waqti ku haboon iyo baahi badan oo jirtay, ninkaasi wuxuu soo dajiyay saliida cuntada xili ay aad qaali u noqotay isagoo sii ogaaday inay dhici doonto yaraan dhanka saliida ah. sidee ku ogaaday (dad badan ayuu garanayaa).
Ma ogtahay in shirkadaha soo dajiya alaabaha, in badeecooyinka qaar kamid iyaga u xidhanyihiin(micnaha isaga koontaroolaya suuqa 80% kamid ah oo lama tartami kartid). qofkaas oo kale waxa uu marmarka qaar sameeyaa farsamo dhaqan ahaan aan wanaagsanayn! tusaale: Nin ayaa soo dajinaya 80% looxaanta ama qoryahaa ama Alwaaxa lagu dhiso guryaha, marka ninkaas wuxuu ogaanayaa in uu suuqu kala go'i doono oo markabkii alaabta soo waday uusoo daaho ama warshada uu kasoo qaadanayay ay supplies-keedii yaraadeen, ninkaan wuxuu samaynayaa waxkasta oo ka alaabtaas ka yaalay magaalada inuu joojiyo iibkooda, micnaha way naga go'een ayuu dhahayaa, markaa isbuuc sidaas la ahaado oo magaaladu waalato ayuu soo fasaxayaa qiimaha 50% ayuu ku darayaa isagoo dhahaya alaabtaas waala waayay marka qiimaha sidaas ku iibsada, sidoo kale isbuucaas uu alaabta xanibay waxaa usoo socota alaabtii markii hore kasoo gaabisay oo imaan doonta marka qiimaha la badiyo inyar kadib.
Marka arrintaas oo kale laba shay ayaa ka dhalanaysa
inaad sii ogtahay in alaabahaasi kala go'i doonaan oo aad sii dalbatay oo ay kuugu soo aado waqtiga uu ninkaasi alaabaha xanibi doono, markaasna aad si dagdag ah ugu hesho suuq ama ganacsadaha alaabta soo dajinaya si aanad qorshihiisa uga xumayn uu double kaaga iibsado.
ama intaad adigana dalbato marka alaabtaasi la dhaho way go'antahay oo aad qasaare weyn gasho, sababtoo ah dalabkaagu wuu soo daahayaa.
Ganacsiga alaab soo dajinta waa ganacsi aad u wanaagsan balse halistiisu badantahay, waxaa laga yaabaa alaab yar oo aad keento dadku intay la qabsadaan kadibna adigoo iska jiifa aad faaiido kasamayso markasta oo alaabtaas lagaa iibsado waliba qaab jumlad ah.
0 Comments