Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan xog-warran ah la qaatay guddiga waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka ku soo qaatay dalka Eritrea.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidanka inta maqan ay dalka dib ugu soo laabanayaan, markii ay soo dhameystaan tababarooda, si ay u gutaan waajibka qaran ee sida geesinnimada leh iyo dal-jacaylka ay u qaadeen.Madaxweynaha ayaa waalidiinta u xaqiijiyay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ay dib ula midoobaan ubadkooda, isla markaana ciidamadu ay helaan waqti ay la qaataan qoysaskooda iyo ehelkooda.
Dhankooda, waalidka uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu u fuliyay balanqaadkiisii.
Kumanaan ka mid ah ciidankii tababarka ku soo qaatay ayaa la keenay dalka, halka tiro kalena ay weli ku maqan yihiin dalka Eritrea, kuwaas oo caawa uu madaxweynuhu u sheegay waalidiinta in weli uu tababar u socd
Dowladda Soomaaliya weli si cad uma sheegin hadii uu jiro tababar weli u dhiman ama u socda qeybo ka mid ah ciidamadii afar sano ka hor tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ciidankaan tababarka u diray ayaa maalintii uu xukunka wareejinayey wuxuu sheegay in sanadkii 2020-kii uu tababarkooda u dhamaaday ciidanka Soomaaliyeed eek u maqan dalka Eritrea.
Hayeeshee Farmaajo maalintaas ma sheegin sababta rasmiga ah ee ciidanka loogu soo celi waayey dalkooda markii ay dhameysteen tababarka, si lamid ah, Madaxweyne Xasan Sheekh weli ma cadeyn sababta kaliftay in afar sano ay ciidankaan ku maqnaadaan Eritrea.
0 Comments