Responsive Advertisement

A history of the development of Islam. Some of the most important things that Muslim scholars have implemented

 

 A history of the development of Islam.

introduction of islam:

 Maqaalkeena maanta Waxaan uga hadli Doonaa hal-abuuro ay yegleeleen Aqoonyahanadii islaamka Kuwaasoo Halbowle u ah maanta jiritaankeena ayna
Adagtahay inaan ka maarano.

Some of the most important things that Muslim scholars have implemented

 Dhaqamada suuban ee islaamku Hirgaliyay ma'ahn kuwo lagu soo koobi Karo halqormo iyo wax kabadan, balse Waxaan maqaalkeenaan ku soo qaada Doonaa qayb Kamid ah dhaqamadii Suubanaa ay hirgaliyeen aqoonyahanadii Muslimiintu sida: 

 1. kaxwaha







 Qaxwadu waa shayga ugu horeeya ee eynu
Cabno si maalintaas oo dhan nashaad iyo Fir-fircooni noogu noqoto hadii aad ku Baarto aalada waxa laga baaro inta koob ee
Laga cabo maalinwalba waxaad arki kartaa Inay kor udhaafayaan 1.4 Billion oo koob Taasoo Ku tusaysa heerka uu gaarsiisan Yahay geedkaan cajiibka ah.

 Waxaa la sheegaa qofkii ugu horeeyay ee Garta saameynta geedkaan loo yaqaano Qaxwaha ama kafayga inuu ahaa nin reer Baadiyo ah oo ari ku dhul kamid ah Dhulalkii ay ka talin jirtay boqortooyadii Xabashida ninkani waxa uu arkay in marka
Ay xooluhu cunaan geedkan ay helaan fir-Fircooni gaar ah markii dabana uusoo Waxa uu soo qaatay caleemihii geedka oo Uu nftiisa ku tijaabiyay geedka waxa uuna Dareemay fir-fircooni badan iyo hurdo La'aan kadib waxaa bilaabatay inuu faafo Geedkan oo uu gaaro dhulalkii islaamku ka
Talinayay waxaana lasheegaa in suufiyiintu Ahaayeen dadkii ugu horeeyay ee aad ka Cabi jiray maadaaba uu ka caawi jiray in Habeenkii ay inbadan tukadaan oo ay Eebbe caabudaan iyagoon caajis dareemin.

 Kadibna waxa uu gaaray dhulalkii carbeed
Mudo dhaw kahorna waxa uu soo gaaray Dalka turkiga kadibna uga sii gudbay reer Galbeedka, maantana waa cabitaanka logu
Isticmaalka badanyahay aduunka.

 2. Education



 





Qof walba oo inaga midah waxaa hubaal ah
Inuu garanayo waxa ay tahay qaarkeen Hada ayay dhigtaan halka kuwa kale ay ku Haminayaan inay dhigtaan markey dugsi Sare dhameeyaan, balse wali ma Isweydiisay kumuu ahaa hal-abuurihii Hindisay nidaamkaan waxabarasho una Kala soocay taqasuus walba in ardaygu uu Sanado cayiman gaar udhigto, aynu gadaal
Ugu noqono safxadaha taariikhda gaar Ahaan sanadkii 245-tii hijriga oo ay ku Beegneed 859-kii miilaadiga xilligaas oo ay 
Faaduma bintu muxamed dhistay Jamacadii ugu horeysay ee taariiqda ee ilaa
Hada la ogyahay, jamacadaan oo loo yaqaanay qurawiin ayaa ku taalay Magaalada faas ee dalka marooko waxana qayb ka aheyd masjid isgana la oran jiray Qurawiin jamacadaan ilaa maanta waa Jaamacad waxa laga barto oo sanad walba
Soo saarto boqolaal arday.
 Hadaba isweydii aqriste 1163 sano oo  Jamacadaan wax laga Baranayay meeqo Arday ayay soosaartay ?

 3. Agabka qaliinka


 




 Marka aan ka hadlayno hormarka uu Aduunku garay waxaa hubaal ah in Caafimaadku yahay hormarka ugu weyn ee
Aan gaarnay agab aad uhormarsan iyo Dhaqaatiir lasoo baray aqoon aad utaya Sareysa ayaa ka hawlgala isbitaal kasta 
Laakiin agabka qaliinka ayaa ah kuwo la Hindisay boqolaal sano kahor walina aan wax laga badalin.

 Qarnigii tobanaad ee miilaadiga waxa uu Ahaa dhaqtatkii muslimka ahaa ee la oran 
Zahraawi mid ku mashquulsan inuu soo Hindiso agabyada loo adeegsado Qaliinkanada lagu sameeyo xumnaha bani 
Aadamka waxa uuna hindisay in ka badan
Labo boqol qalab midkasta oo kamid ah Qalabyadaasna uu qabanayo shaqo gaar ah Inta lagu jiro qaliinka, dhamaan Qalabyadaas oo uu hindisay zahraawi waa
Kuwo lagu hawlgalo ilaa maantaydaan aan Joogno hormar walba uu aadanuhu Gaarayna mahelin agab ka quman Agabka
Uu abuuray dhaqtarkaan muslimka ah. 

Gabogabo
Ugudambeyn aqriste waa hubaal in hal-Abuurada iyo hindisayaasha ay lahaayeen Aqoonyahanadii Muslimiintu Alle kasakow
Ay ayagu sababtooda lahaayeen ayaa ah kuwo aad ubadan mana aha kuwo lagu soo koobi karo hal ama labo buugaagta Kamid Ah, laakiin su'aasha ayaa ah anagu Manaqaanaa Aqoonyahanadeena oo maku Faanaa? 

Post a Comment

0 Comments