Responsive Advertisement

10 Ways Graduates Can Prepare for the Job Market!


 

1. Shaqada ugu horreysaa waa inaad ka shaqayso CV/Resume-kaaga

Waxa laga yaaba inaad hal (1) CV Laba sanno aad shaqooyin ku xareynaysay, aanad wax cusboonaysiina xataa ku sameyn. Shaqo walba oo aad codsanayso waa inuu CV-gaagu updated ahaadaa isla markaana aad ku fadhiisisaa shuruudaha looga baahan yahay qorfka shaqo codsadaha ah. Tani waxay kaa caawin kartaa inaad ku guuleysan karto ugudbidda heerka Kan xiga ee WARAYSIGA SHAQO.

2. Ogow waxa aad rabto

Fahmidda qiimahaaga iyo waxyaalaha agtaada muhiimka ka ahi waxay kuu suurtogelin karaan ku guuleysiga shaqo. Ogow waxa aad rabto isla markaana hakuu kala cadaadaan. Haddii aad suuqa shaqada ku cusubtahay oo aad raadinayso fursad waxaad u baahan tahay inaad naftaada waydiiso MAXAAD RABTAA? Ma inaad shaqo walba qabato mise inaad shaqo aad ku dalaci karto inaad awoodda isugu geyso?

3. Runta.

Haddii aad khibrad u baahantahay waa inaad tusi kartaa kaalmeynta iyo runta ay shaqaalaha kale kaa rajeynayaan. Shaqaalaha ugu wanaagsani waa ka hal-abuurka leh, wax soo kordhin kara, la dhaqmi kara dadyow kala dhaqan iyo dabeecad gedisan, Xalin kara mashaakilaadka markay soo wajahaan caqabado.

4. Dhis barahaaga Bulshada (Midkaliya).

Ma isticmaashaa Linkedin? Haddii aanad isticmaalin hada samayso. Dhis profile-kaaga iyo guulaha aad gaadhay. Hubi inaad guulahaaga soo bandhigto. Shaqo raadiyayaashu marmarka qaar waxay tixgelinbadna siiyaan dadyowga technology-yada la haysta ee CV-googa ku update gareeya LINKEDIN.COM kooga.

5. Firfircooni

Diyaar u ahow inaad horumariso khibradahaaga shaqo ama inaad ka falceliye noqoto uun. Garo isla markaana fahan loo shaqeeyaha iyo cidda aad u shaqaynayso labadaba. Markaad taa xaqiijiso waxaaad ogaan kartaa rejadaa ama waxa lagaa rejaynayo. Isla markaana qorshee inaad hore uga sii socoto rejooyinkaa lagaa leeyahay

 

6. Xidhiidho cusub samee ka hor qalinjebinta (Barashada dadka goobaha aad rabto inaad ka shaqayso ka shaqeeya baro).

Bilow barashada dad cusub oo ka shaqeeya takhasuskaaga intaanad soo qalinjebin. Dad xidhiidho wacan leh oo aan wakhtiga lumin, ka faa'ideeya. Inaad cid ka taqaano goobaha shaqadu waxay ku dhaxalsiin kartaa khibrad iyo xirfado aad si fudud ugu shaqayn karto.

7. Diyaar u noqo shaqo

Maamulayaasha shirkadaha iyo hay'adaha waxaad ka maqlaysaa iyagoo inbadan wakhti ku bixinaya sidii qofka loogu diyaarin lahaa shaqadan. xaga wakhtiga, hu' xidhashada, u diyaargarowga kulamada, ku dhamaynta shaqooyinka wakhtigooda, la shaqeynta toolmoon iyo la macaamilka toosan ee shaqaalaha kale. Waxay u muuqataa waxyaalo qofku iska dhisi karo si uu u shaqo galo. Haddii aad xirfadahaa khabiir ku noqoto waxa fududaanaysa inaad shaqadaa si fudud ugu guuleysan karto

8. Danayn muuji (Tus inaa u hanweyntahay ka shaqeynta shirkaddan ama Ururkan)

Qaado wakhti wacan oo aad ku baran karto doorkaaga shaqo ee shaqadan aad codsanayso adigoo waraysanaya xidhiidhada cusub ee meesha ka shaqeeya, si ay kaaga caawiyaan. Waxay ku dhaxal siin kartaa in lagu qaato oo aad noqoto qof ku habboon shaqada.

9. Hel hagid ama Tusaale quruxbadan

Habka ugu fudud ee aad ku horumarin karto xirfadahaaga waa adigoo hela hage kaa caawiya inaad tubta ugu saxan u marto kobcinta xirfadahaaga markaad wareysi shaqo galeyso shirkad ama urur aad kala tashato waxyaalaha looga baahan yahay shaqadan iyo hababkaad ugu diyaar garoobayso lahaanshaha qof aad aamini karto inuu kaa caawin karo inaad horumar nafeed sameyso isla markaana aad fursadaha uga faa'ideysan karto.

10. Cusboonaysiin Togan iyo Talo Wadaag

Bilow oo si togan u diyaari naftaada shaqada u horeysa. Shaqadaada bilan iyo waxqabadkaaga la wadaag akhyaartaada aad hiigsato gaadhista halka ay joogaan waxaad ka heli kaabis iyo toosin kalsoonidaada iyo hore u socodkaagaba kor u qaadi karta. Talo wadaagnimadu waxay ku dhaxal siisaa meel aanad kali ahaantaa gaadhi karteen, waxay kuu dhisi kartaa si aanad waligaa isu dhisteen. Dhallinyarannimadu waa marka loogu talo iyo toosinba baahan yahay. Ruux kasta oo kaa waayo aragsan haddii aad kala tashato hiigsigaaga iyo waxqabadkaaga meel kasii wacanbaad qorshayn oo aad gaadhi kartaa.

OGOW: Dadku mawada ah xul. Inbaa jiri karta ku hanjebin karta kuwaas waligaa hala saaxiibin. Hana la tashan waayo uma qalmaan mar haddaanay ogolayn inaad laba talaabo hore u qaado. Qiimee qofka aad la tashanayso isagu muxuu taray naftiisa marka hore, halkee ayuu gaadhay, muxuu ku dheeryahay/dheertahay. Qof tusaale quruxbadan oo bulshada sumcad iyo sharfid ku dhexlehbaa hormarkaagana saamayn wayn ku yeelan kara. Shaandhadu waxay shaaha ka reebta khufayga (Hadhaaga) aan loo baahnayn. Shaandhee saaxiibadaa oo ka agdhowow dadka horumar ku gaadhsiin kara.  

Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay @Geeddi Technology.
Lama ogola idan la'aan in la qaato.

Tixgelin

Post a Comment

0 Comments